Han Iyo Hiigsi✊🏾🎯
Private
1.8k members
Free
🧠 HAN IYO HIIGSI 🎯
✨ Han, hiigsi iyo hami fog in la yeesho ma aha arrin qofku ku uu dhasho, balse waa wax u baahan curin, kobcin iyo carbin joogto ah. Si aad u noqoto qof han iyo hiigsi leh, waa inaad fahamtaa sida ay u shaqayso maskaxdaadu. Waa inaad barato maanka ama xiskaaga (Human Mind), sida uu u shaqeeyo, iyo doorka uu ku leeyahay qofka aad maanta tahay iyo qofka aad mustaqbalka noqon karto✊🏾
📚 Halkani waa madal aynu kaga hadli doonno, wax badanna kaga baran doonno cilmiga iyo macluumaadka laga qoray: Horumarinta nafta iyo fahamka maskaxda🧠 Guusha iyo hab-fikirka horseeda guusha🏆 Dhaqaale samayn iyo kobcinta aqoonta maaliyadeed💰 Hoggaaminta shakhsiga ah iyo sida qof kastaa marka hore masuuliyadda naftiisa u qaadan karo🤝🏾
Ujeeddadeennu waa inaynu kobcinno maankeena, dhisno nafteena, ballaadhinno hiigsigeenna, ugu dambayntiina aynu noqono dad noloshooda iyo tan dadka kaleba wax ku soo kordhiya🎯 ✊🏾
Han Iyo Hiigsi✊🏾🎯
skool.com/han-iyo-hiigsi
Institute for Personal Development & Mindset and Financial Literacy
Powered by